(DAAWO SAWIRADDA). Suxufiyiin ka socday Dowladda Finland oo Booqasho ku tagay Xarumaha Warbaahinta Dowladda.

52

Wasaaaradda,Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka mudane Xukuumadda Somalia C/laahi Ciilmooge Xersi, ayaa Xafiiskiisa ku qaabil Suxufiyiin Ka socday Televitionka Qaranka Dowladda Finland oo ka koobnaa 4 xubnood.

Wada hadal dheer oo dhex maray Wafdigii Suxufiyiinta iyo Wasaaaradda,Warfaafinta  C/laahi Ciilmooge Xersi iyo Xubno kale ayaa waxaa Suxufiyiintaasi loo kaxeeyay dhanka Xarumaha warbaahin Dowladda sida Xarunta SNTV iyo Radio Muqdisho, Suxufiyiinta ayaa indha indheeyay Studiyayaasha Warbaahinta Dowladda Somalia iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

Wasaaaradda,Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka mudane C/laahi Ciilmooge Xersi iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Xarumaha Warbaahinta Dowladda ayaa Suxufiyiintaasi uga faalooday  qaabka ay Warbaahinta u shaqeyso iyagoona Mas’uuliyiinta Xukuumadda ka codsaday Suxufiyiintaasi inay Walaalahooda ka caabiyaan sare u qaadista tayada shaqada iyo Aqoonta shaqaalaha warbaahinta Qaranka Somalia.

Intaa kadib Waxaa warbaahinta la hadlay Joha rekola oo ah Madaxa Warbaahinta wadanka Finlad Xubnahana Hogaaminayay ayaa waxa uu sheegay in Warbaahinta Somalia ay ku shaqeyneyso wadan iminka dhibaatada ka sii baxaayo, waxa uuna amaanay Suxufiyiinta iyo dhismaha Xarumaha Warbaahinta isagoona sheegay inay diyaar u yihiin inay garabsiiyaan Walaalahooda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Suxufiyiinta Kormeerka ku tagay Xarumaha Warbaahinta ayaa sheegay inay rajeynaayaan in ay ku imaan doonaan Suxufiyiin intaa ka badan iyagoona hiil iyo hooba la garab istaagi doono dhigooda Somalia.

3

2

4

1

5

6

OO

KJKKJ

 Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.