Isku duwihii Wasaarada Amniga Puntland oo xalay lagu dilay Waqooyiga Galkacyo

46

puntland

Kooxo hubeysan ayaa xalay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Galkacyo ku dilay isku duwihii Wasaarada Amniga Puntland oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Dhagaweyne, iyadoo saaka ciidamada Puntland ay ka wadaan howl galo dad badan lagu qab qabtay.

Sida ay sheegayaan wararka Isu duwahan ayaa la sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay dhowr rasaas kaga dhifteen qeybaha sare ee jirka, iyagoo goobta ka baxsaday.

Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee Maamulka Mudug ee Puntland ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii dilka mas’uulka ka dambeeyay, iyadoo saakay gebi ahaanba uu hakad ku jiro dhaq dhaqaaqii guud ee waqooyiga magaalada.

Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo mudooyinkan mas’uul ka tirsan Puntland loogu geysto waqooyiga Galkacyo, waxaana horay u jiray dilal ka dhacay waqooyiga oo loogu geystay dad isugu jira saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.