Madaxweynaha oo kormeer ku sameeyay xarumaha tababarka Ciidamadda Qalabka sida‏

50

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta waxaa uu kormeer ku sameeyay xarumaha tababarka Ciidamadda Xoogga Dalka ee Jazeera iyo School Polizio (General Kaahiye).

Madaxweynaha ayaa waxaa wehliyay W/Xigeenka Gaashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Carab) iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Jeneral  Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe).

tababar3

Madaxweynaha ayaa markuu tagay Jazeera wuxuu salaan sharaf ka qaatay Ciidamadda Xoogga Dalka. Kadibna waxaa war bixin laga siiyay qaabka loo tababaro ciidanka iyo in tababarka ay bixiyaan macalimiin Soomaaliyeed oo ka tirsan Xoogga Dalka.

Qudbad xasaasi ah uu Madaxweyne Xassan u jeediyay ciidamadda ayaa wuxuu yiri “ Soomaaliya Soomaali baa leh, waana anaga. Waxaana u dhaaranay in aan difaacno Seddexda Da waa dalka, dadka,iyo diinta. Waa in aan sharaf iyo karaamo ku wada noolaano oo aan iska difaacno Shabaab, iyo kuwa kufsiga iyo dhaca shacabka u geeysta. Waa isku mid ayaga iyo Shabaab waana in aan iska celinaa oo si is-leh loola dagaalamo.”

Waxaa ugu qaalisan uu shaqsi u huraa dalkiisa waa naftiisa, madaama aad naftiina hureysaan waxaan idinka codsanayaa in aad shacabka kasbataan uu ay naxariis idinka dareemaan oo ay dhiniciina soo aadaan hadii ay baqaan. Marwalbo dagaalka waxaa ku guuleysta qoloda ay shacabka la jiraan.”

tababar

Maruu la hadlayay Ciidanka Birmadka Booliska Soomaaliyeed  ayaa wuxuu sheegay “ Waxaan idiin dooranay in aad sugtaan amniga caasimadda madaama aad daacad u tihiin dalkiina. Mar dhawna kan gobolada dalka aad sugtaan” sidoo kale wuxuu u sheegay ciidanka in amniga uu yahay howsha kowaad ee dowladdana.

Ugu danbeyn ayuu Madaxweynaha u mahad celiyay AMISOM  iyo Beesha Caalamka.Wuxuuna ciidanka u sheegay in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay wax qabsan laheyd.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.