Ra’iisul Wasaarihii hore Britain Margaret Thatcher oo geeriyootay

47

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain Margaret Thatcher ayaa geeriyootay markii uu dhiig maskaxda kaga furmay.
Geerida Mss Thatcher ayaa waxaa xaqiijiyay eheladeeda, iyadoo muddo 10-sano ka soo muuqatay masraxa siyaasada dalkaas.

Margaret Thatcher ayaa ku geeriyootay da’da 87-sano, waxaana ay aheyd mid indhawaalaba ah xanuunsaneysay.
Ra’iisul Wasaarihii hore Britain ayaa aheyd haweeneydii u horeysay ee xil ka qabata dalkaas, waxaana ay calaamad u noqotay haweenka inay siyaasada ka mid noqdaan.

David Cameron ayaa ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalin murugo leh, isla markaana ay aheyd hogaamiyihii ugu weynaa ee dhinaca nabada soo mara.

Thatcehr

Thatcher ayaa madax ka aheyd xisbiga Conservative uu hada hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron , waxaana ay xilka ay heysay inta u dhaxeysay 1979-1990.

Waxaa ay noqotay dadkii ugu magacwnaa ee soo mara dunida qarnigii 20aad, waxaa ay door badan ka ciyaartay siyaasada midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Mr Cameron ayaa soo gaba gabeeyay booqasho uu ku marayay Yurub, isagoo dib ugu soo laabanaya dalka si uu ugu qeyb galo tacsida.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.