Gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliya Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka bad baaday isku day dil

27

Gudoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka bad baaday isku day dil, kadib markii gaarigiisa loogu xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa loogu xiray kursi uu fariisto, hase ahaatee ma aanu fariisan Sheekha, waxaana gaariga oo marayay gudaha degmada Hodan mar kaliya uu dhacay dhawaaqa qaraxa, kaasoo gebi ahaanba bur buriyay muraayadihii iyo kursiga.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Afhayeenka Culimada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay qaraxaas inay ka dambeeyaan Al-Shabaab, isla markaana ay baneysteen dhiiga dadka Muslimiinta.

“Qof walba maalintiisa ayuu dhimanayaa, nimankaas khawaarijta waxay baneysteen dhiiga Muslimiinta, Diinta ayay ka baxeen”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheekh Bashiir

Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay in aanu waxba soo gaarin Sheekh Bashiir, hase ahaatee ay jiraan fan faniino yar yar, waxaana uu cadeeyay inuu caafimaad qabo.

Waxaa uu ku baaqay in la soo dedejiyo shirka loogu baaqay Culimada Soomaaliya oo ay kaga arinsanayaan sidii meel looga soo wada jeesan lahaayeen.

“Waxaan aamisanahay in musiibo aan aheyn Shabaab in aysan jirin, waa in meel looga soo wada jeestaa”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa aad u naqdin jiray ficilada Shabaabka geystaan, isla markaana aysan aheyn kuwo Diinta Islaamka ku dhaqmaya, dhiiga dadka Muslimiinta baneysanaya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.