Al-Shabaab oo gabar dhalinyaro ku toogtay Fagaare ku yaal degmada Buulo Burde

32

Wararka ka imaanaya degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka barqadii Al-Shabaab ku toogteen bartamaha degmadaas gabar dhalinyaro aheyd oo ay ku eedeeyeen inay jaajuus aheyd.

Gabadhan oo da’deeda lagu qiyaasay 22-jir ayay wararku sheegayaan in dhowaan gaari ka yimid magaalada Muqdisho oo ku sii jeeday degmada Beledweyn.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo meel fagaare ah ka hadlay markii ay fulinayeen dilka ayaa waxay ku eedeeyeen gabadhan inay jaajuus aheyd, isla markaana ay calaamadeysay 7-guryo ay degenaayeen Amiiro Mujaahidiin ah.

Buulo Burde

Wararka qaar ayaa sheegaya in shalay gabadhan lagala degay gaariga, isla markaana uu tuhun ka soo baxayo sida loo dedejiyay dilkeeda, inkastoo aanay wali ka hadli Saraakiisha Shabaab.

Al-Shabaab ayaa labo sano ka hor ku dilay magaalada Beledweyn labo gabdhood oo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay u jaajuusayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Ma ahan markii u horeysay ee ay Al-Shabaab dil toogasho ku fuliyaan dad ay ku eedeeyaan inay jaajuus yihiin.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.