Soomaaliya waxaa Samatabixin kara Safiir Seylici oo kale

278

Muqdisho(INO)- Soomaaliya rag la’aan ma hayso ee waxaa haysa talo-xumo laga dhaxlay hoggaan maafiyo ah oo aan cidna u tureynin oo afar sano iyo afar bilood ka lumiyey ummadda Soomaaliyeed, haddana doonaya inuu afar kale ka sii lumiyo, kuna howlan xatooyo xoolo dadweyne iyo mid daneysi. Soomaaliya waxay maanta ku soo noqon kartaa inay hesho hoggaan ku sifoobay Soomaalinnimo, ikhlaasnimo, Alle ka cabsi, iimaan taam ah, kalgacaltooyo, damiir, dhowrsanaan iyo dhiirranaan uu ugu hiiliyo xaqa, kuna diido xaqdaradda. Sifooyinkaas iyo kuwo kale waxaa si wanaagsan u tilmaamay culumadeenna diinta iyo kuweenna maadiga sida Sheekh Xasan Jaamici iyo Mudane Axmed Arlaadi.

Hoggaamiyaha sifooyinkaas leh ee Soomaaliya ay u baahan tahay noociisoo kale waa Cusmaan Cabdullaahi Jaamac oo loo yaqaanno Seylici. Soomaalidu ninka ay noociisoo kale baadigoobeyso ee ay baahida weyn u qabto waa Seylici oo kale oo u horkaca horumar iyo horukac. Seylici waxay isku qaanad ku wada jiraan dadka damiirka iyo dadnimada ku caan baxay, sida Cabdulqaadir Maxamed Muuse iyo Yusur Abraar oo kale.

Kumuu ahaa Seylici? Wuxuu ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Turkiga markii gumaadku ka socday gobollada waqooyi galbeed ee loo yaqaan Somaliland. Markuu arkay in shacabkii Soomaaliyeed lagu gumaadayo diyaarado ay duulinayaan calooshood u shaqeystayaal u dhashay dalka South Africa ayuu go’aansaday inuu ka goosto taliskii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu u yeeray Qunsulkii Safaaradda, wuxuuna ku yiri ‘anigu iskama eeganayo waxa dhacaya, mana metelayo talis gumaadaya shacabkiisii, waana isaga tagayaa meesha ee waxaad yeeshaa si rasmi ah igala wareeg dokumentiga safaaradda iyo wixii dhaqaale ah ee yaalla, furayaashii iyo gaadiidkii’, kaddibna wuxuu qaxooti isaga dhiibay Sweden isagoo ay la socdaan xaaskiisii iyo sagaal carruur ah oo ay dhaleen. Galabtii xigtay, wuxuu la hadlay Laanta Adeegga Af-Soomaaliga ee BBC-da, isagoo oddorosay in gumaadka socda haddii aysan Soomaalidu ka wada hor imaan uu dalka dhaxalsiin doono burbur iyo baa ba’ aan laga soo waaqsan (waxaa jiray niman maanta aqoonyahanno sheeganaya oo u cudurdaari jiray gumaadka oo aan hayno wixii ay ka qoreen iyagoo la safan taliska).

Isla markii uu Seylici ka goostay taliska, Qunsulkii Safaaradda wuxuu wacay Wasaaraddii Arrimaha Dibadda ee Xamar, isagoo ku wargeliyey in safiirkii uu baxsaday. Wargelinta kaddib, waxaa la hadlay wasiirkii wasaaradda oo Qunsulka siiyey awaamiir faraysa inuu xaraasho wax walba oo safaaradda yiillay oo ay ku jiraan hantidii iyo gaadiidkii safaaradda, kaddibna ku shubo account number Xx000000. Markuu taas hubiyo, waxaa lagu amray inuu soo qoro warqad u qoran sidatan:

‘Ku socoto Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya

ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed

Og: Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Wasiirka Wasaaradda Khaarajiga

Og: Khaliif Muuse Samatar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda

Og: Axmed Maxamed Aadan ‘Qaybe’, Agaasimaha Wasaaradda

Og: Cabdullaahi Cigaal Nuur, Agaasimaha Waaxda Eeshiya iyo Yurub

Mudane Madaxweyne,

Sida aad maqashay, dhagarqabihii uu kacaanku u soo diray Ankara wuxuu baxsaday shalay galab, wax walba oo safaaradda yiillay, xitaa kaarbeedyadii iyo karbuunooyinkii, wuu la baxsaday, waxba ma reebin kacaandiidku, haddaba waxaan kula socodsiinaynaa arrintaas uu kacaandiidku sameeyey, waxaan codsanaynaa cawil-celin in na loo kugu wareejiyo…’.

Qunsulkii markii uu dhegeystay oo uu dhuuxay warka uu wasiirku u laqimayo, wuxuu ku jawaabay ‘mudane wasiir, wejiga Alle ayaan ku dhaaranayaa Ambassador Seylici ma uusan ahayn nin hunguri, wuxuu ahaa nin yaqaanna Alle iyo Rasuulkiisii, wuxuu iga diiday inuu qaato mushaarkiisii bishaan oo ay toban beri ka dhiman tahay; iskaba dhaaf wax kale oo uu qaatee wuxuu diiday inaan ka bixinno kharashka tagsigii garoonka geynayey, haddaba sideen yeelnaa?’.

Ka meermeer kaddib, waxaa dhacday in Qunsulkii amar lagu siiyey inuu Xamar soo galo, kaddibna waxaa lagu ciqaabay in hal darajo hoos looga dhigo grade-kiisii shaqaalaha. Wuxuu noqday ninka haya telegram-ka wasaaradda. Waxaa kaddib Ankara loo diray nin oday ah oo wixii oo dhan soo wada xaraashay. Ilaaheey ha ka cafiyo dambigaas.

Qunsulku wuxuu yiri ‘Safiir Seylici uma oggoleyn xaaskiisa in lagu kexeeyo gaariga safaaradda, wuxuuna amar ku bixiyey in marka ay gurigeeda u soo adeeganayso ay isticmaasho taxi’ (bal is-barbardhig Cusmaan Cabdullaahi Jaamac ‘Seylici’ iyo kuwa maanta horboodaya siyaasadda Soomaaliya).

Haddaba, ninkii badbaadin lahaa Soomaaliya waa Seylici ee ma ahan kuwa baadiyaha laga keenay ee sida qaraabakiilka ah lagu siinayo darajooyinka aysan mudneyn, kuwaas oo wixii gacantooda gala kala goosanaya. Seylici waan raadiyey. Waxaa maanta meel ka mid ah dhulka Soomaalida uga furan carwo dharka lagu gado oo uu ilmihiisa ka biisho. Waxaa habeen dhoweyd la ii soo sheegay inuu xanuunsanayo. Ilaaheey ayaan uga baryayaa caafimaad taam ah, aamiin. Waa kaas muwaadinka runta ah. Ilaaheey baa ka abaal marin doona aakhiro, laakiin adduunyada guudkeeda waa inuu helaa mudnaanta uu mudan yahay, loona dhisaa taallo lagu xusuusto.

W/Q: Mohamed Haji Ingiriis

Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.