Safiir Annadif oo booqday Kismaayo iyo Xanibaad lagu soo rogay Dhoofinta Dhuxusha

27

ioi

Wafdi ka socda Midowga Africa oo uu Hoggaaminaayay  Wakiilka gaarka ah ee guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Somalia, Safiir Mahamat Saleh Annadif  ayaa Kormeer indha indheyn ah ku tagay Dekeda Magaaladda Kismaayo isagoona Booqasho gaar ah ku tagay Xarumaha Ciiddamadad AMISOM ay ku Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Safiir Annadif  ayaa waxaa Socdaalkiisa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka AMISOM, General Andrew Gutti, Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan taakuleynta AMISOM (UNSOA), Amadou Camara, iyo wakiilka ciidanka xoogga dalka Kenya, Major General Francis K. Nthenge.

Safiir Annadif   Wuxuu ammaan u soo jeediyay Saraakiisha iyo Ciiddamadda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, waxa uuna ku tilmaamay inay yihiin Ciiddamo halgan u galay sidii Kooxaha Xagjirka ee Somalia ee Alshabaab looga saari lahaa Magaaladda Kismaayo  iyo Deegaanada ku xeen-daaban, isagoona si gaar ah amaan ugu jeediyay Ciiddamadda Dowladda Somalia oo iyagu ku sugan Goobaha ay Khatarta ka imaan karto.

Safiir Annadif , oo la hadlay Saraakiisha ayaa sheegay in Socdaalkiisa uu yahay mid uu ku indha indheynaayo Xarumaha ay ku nool yihiin Ciiddamadda iyo siduu ugu kuurgeli lahaa Caqabadaha dhinaca nolosha iyo gaadiidka ee haysta ciidanka ku sugan Kismaayo.

Wakiilka gaarka ah wuxuu sheegay in AMISOM ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhaqangelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Sharciyada Soomaaliyeed ee mamnuucaya dhoofinta dhuxusha, Waxa uuna sheegay in AMISOM looga bahan yahay Dhaqan galinta istaajinta Dhoofinta Dhuxulaha.

Si kastaba ha ahaatee, Ngere oo ah Taliye ka tirsan kuwa AMISOM ayaa sheegay in Ciiddamadda Kenya aysan si toos ah ama si dadban ugu lug lahayn arrinta Dhoofinta dhuxusha, waxaana lagu canaantay inay joojiyaan Dhoofinta Dhuxisha.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.