Maraykanka iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arrimaha Somalia

54

2

Wariirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiga, Ahmed Davutoglu iyo Dhigiisa Dalka Maraykanka, John Kerry, ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen Caasimadda Dalka Turkiga ee Ankara.

Labada wasiir waxay ka wada jhadleen Cilaaqaadka Labada dal, Nabad raadinta Bariga Dhexe, Xaaladaha Dalalka Somalia iyo Syria.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay inay labada dhinac si gaar ah uga hadleen Xaaladda Dalka Somalia iyo kulanka ay Dowladda Turkiga ku marti galineyso Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo lagu wado inuu qabsoomo Bishan April 11-da.

Kulanka Labada Wasiir ayaa waxa uu hordhac u yahay Kulan Khaas ah oo Madaxweynaha Dalka Maraykanka iyo Ra’isul wasaaraha Dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, ee lagu wado inay Bisha soo socoto ee May 16-da ku yeeshaan Aqalka Cad ee Magaaladda Washington.

Kulanka labada Mas’uul ayaa lagu waday inuu dhaco Bishan April 23-da, laakiin waxaa loo dhigay dib, kadib markii Madaxweyne Obama sheegay inuu Xilligaasi la balansan yahay Amiirka Dalka Qatar, Hamad bin Khalifa Al-thani.

Sidoo kale, Madaxweyne Obama ayaa lagu wadaa inuu Bishan 26-da kulan la yeesho Boqorka Dalka Urdun, Boqor Abdullahi II.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha Turkiga iyo Maraykanka ayaa waxay safka hore kaga jiraan Dalalka Caalamka ee kaalinta wax ku oolka ka qaata Arrimaha Somalia, gaar ahaan Diplomaasiyadda, Ammaanka iyo Hawlaha Samafalka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.