Dhageyso: Koonfur Galbeed Soomaliya oo Mar kale ka Qaylo Dhaamisey Abaarta

40

Baydhabo(INO)- Kullan ay isu yimaadeen Ku simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ahna wasiirka Beeraha iyo Waraabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Degmada Baydhabo ayaa mar kale qaylo dhaan looga direy Hay’adaha Samafalka, DFS , Qurbo Joogta iyo Beesha Caalamka inay gurmad La soo gaaraan Boqolaal Qoys oo ku sugan Magaalada Baydhabo isla markaana maalinba ay soo gaarayaan Qoysas hor oo saameysey abaarta iyo biyo la’aanta ku dhufatey Koonfur Galbeed Soomaalia.

Kullanka waxa ka hadley Maxamed Xasan Fiqi, Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiin, Wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Maxamed Xaaji, kuwaasoo baaq wada jir ah u direy Hay’adaha iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.