Hey’adaha ammaanka dowladda oo sheegay inuu ka feejigan yahay weeraro Argagixiso oo ka dhaca Muqdisho

39

howl_gal_kumanaan_6

Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa sheegay inuu ka feejigan yahay weeraro Argagixiso iyo qatar kasta oo lidi ku ah ammaanka, kadib markii dowladda Britain ay soo saartay digniino ku wajahan in Al-Shabaab ay maleegayaan weeraro argagixiso oo ay ka geysato magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada booliska Soomaaliyed Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in dareen aad u feejigan ay qabaan, isla markaana kooxaha nabad diidka ay suura gal tahay in adeegsadaan weeraro argagixiso ah.

“Ciidamada booliska heegan buuxa ayaa la geliay qatar kasta oo kooxaha argagixisada maleegaan oo qal qal ku ah ammaanka, waa ka hortageynaa”ayuu yiri Jen. C/llaahi Xasan Bariise.

Jen. Bariise ayaa xusay in ciidamada ay habeen iyo maalin feejigan yihiin, isagoo xusay inay ku rajo weyn yihiin, iyagoo kaashanaya shacabka ay helaan xogo ku saabsan weerarada ay maleegayaan Shabaab, ayna durba ka hortagaan sida uu yiri.

“Waxyaabaha ay adeegsadaan waa weeraro argagixiso, ama shaqsi ay soo qaldeen oo ay dhahaan is arxi hanaa helee, waa ka gaashamanay waxaas oo dhan, waxaa ku rajo weynahay inaan shacabka kala kaashano weerarada ay soo maleegaan inaan ka hortagno, anagoo heleyna xogta dadweynaha iyo laamaha ammaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howla ammaanka Muqdisho ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana ciidamada ay habeen iyo maalin ku roondeeyaan xaafadaha, ayna ciidamada ku leeyihiin bar koontaroolo isgoysyada wadooyinka.

Dowladda Britain ayaa shalay soo saartay digniino ku wajahan in Al-Shabaab ay soo gaba gabeysay weeraro argagixiso oo ay ka geysato magaalada Muqdisho, iyadoo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Soomaaliya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.