Xukuumada Soomaaliya oo ka jawaabtay dingiintii ay soo saartay dowladda Britain

41

ciilmooge1

Xukuumada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay digniintii ka soo baxday dowladda Britain, kaasoo ku wajahnaa muwaadiniinteeda in aanay u safri karin magaalada Muqdisho iyo weeraro ay Al-Shabaab ka maleegayaan magaalada Muqdisho inay ka geystaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in digniinta Britain ka soo baxday aanay wax cusub aheyn, isla markaana dhowr jeer hore digniino u jeedisay muwaadiniinteeda.

“Wax cusub ma ahan digniintaas, horayna waa u soo saareen, in muwaadiniinteeda ay uga digaan Soomaaliya inay u soo safraan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Mr Ciilmooge ayaa sheegay in aanay heyn xog muujineysa in weeraro argagixiso ay ku soo fool leeyihiin magaalada Muqdisho, isagoo xusay in hey’adaha ammaanka ay ka feejignaan doonaan waxyaabah qal qalka ku ah ammaanka.

Sidoo kale Ciilmooge ayaa tilmaamay in dowladda Britain ay xaq u leedahay in muwaadiniinteeda ay u digto, hase ahaatee aanay dowladda Soomaaliya la wadaagin wax xog ama macluumaad la xiriira inay soo socdaan weeraro argagixiso.

Britain ayaa bishii Janaayo ee horaanti sanadkan uga digtay muwaadiniinteeda inay isaga baxaan deegaanada Somaliland, kadib markii la helay xogo ku saabsan falal ka dhan ah ammaankooda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.