Iska hor imaad ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray degmada Dayniile

49

Inta la og yahay hal askari ayaa ku dhintay afar kale oo labo ka mid ah dad rayid ahaayeen waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dambeeyay markii uu is maandhaaf soo kala dhex galay Ciidamo ku sugnaa xaafada Ciise Cabdi oo ku lahaa bar koontarool iyo ciidamo cusub oo dhowana halkaas la geeyay.

Qof goob jooge ah oo ku sugan xaafada Ciise Cabdi ayaa sheegay in ciidamada ay muddo daqiiqo ah ay dhex martay is rasaaseynta, isla markaana qal qal badan u soo wajahay dadka ku nool Dayniile.

Ciidamo ka tirsan booliska degmada Dayniile ayaa soo kala dhex galay ciidamada dagaalamay, inkastoo aysan ku guuleysan inay kala qaadeen, hase ahaatee wali waxaa taagan xiisada labada dhinac u dhaxeysay.

Labada ciidan ee is rasaaseeyay ayaa wali isku hor fadhiya xaafada Ciise Cabdi, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale ay dirir dhex marto.

Ciidamada la geeyay Dayniile ayaa la sheegay inay yihiin ciidamo cusub oo dowladda ugu tala gashay inay xoojiyaan ammaanka degmada.

Iska hor imaadyada dhex mara ciidamada dowladda dhexdooda ayaa noqday wax iska caadi ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho iyo deegaanada gobolada, iyadoo saraakiisha ciidamada aanay wali arrintan soo noq-noqotay wax xal ah u helin.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.