Wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaanka Maandheere ee degmada Jowhar

47

Wabiga Shabelle ayaa ka fatahay deegaanka Maandheere oo qiyaastii u jira degmada Jowhar illaa 14km.

Wabiga ayaa ka fatahay kanaal ay beeralaydu ku waraabaan waxaana fatahaada ay qasaare soo gaarsiisay boqolaal beeralay ah oo ku nool deegaanka Maandheere.

Fatahaada uu wabiga ka sameeyay deegaanka Maandheere ayaa baab’iyay dhul beereed ay ku yaaleen dalagyo badan oo ay ka mid yihiin sisin,galley iyo qudaar.

Mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka Maandheere ayaa sheegay in dadka ku nool tuulada ay ka hortagay in biyaha wabiga ka soo fatahay inay gudaha u soo galaan tuulada,hase yeeshee fatahaada wabiga uu samaynayo ayaa si xowli ahku socda iyadoo ay gaareen dhul baaxadiisu gaareyso illaa 7km.

Maamulka degmada Jowhar ayaa bilaabay howlgalo loogaga hortagayo fatahaada waxaana ka socda magaalada Jowhar haatan diyaargarow weyn oo gurmad loogu samaynayo dadka ku nool deegaanka Maandheere.

Cismaan Baarey oo ah u qeybsanaha arrimaha masiibooyinka maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay in si degdeg ah ay wax ugaga qaban doonaan fatahaadaha uu wabigu sameeyay isagoo ugu baaqay shacabka iyo hay’adaha ka howlgala gobolka Sh/dhexe inay gacan ka geystaan sidii wax loogaga qaban lahaa fatahaada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.