Waqooyiga Kuuriya oo ugu hanjabtay Mareykanka inay ku qaadeyso duqeyn Nukliyeer

27

Waqooyiga Kuuriya ayaa fasixii ugu dambeeyay siisay Ciidamadeeda inay qadaaan weerar dhinaca cirka oo Nukliyeer ah, kaasoo ka dhan ah Mareykanka, iyadoo ay jirto cabsi ah dagaalo ka dhex qarxa labada kuuriya oo xiisad xun u dhaxeysa.

Duqeynta milateri ee Kuuriya ku baaqday ee dhinaca Nukliyeerka ay ku qaadeyso Mareykanka ayaa loo arkaa mid sii xoojineysa xiisada labada dal u dhaxeeya, waxaana Mareykanka uu dhowaan ku soo rogay cunaqabateyn hor leh

Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay inay tallaabadan kaga jawaabeyso, kibirka iyo awood sheegashada Mareykanka uu la soo baxay, kadib markii dhowaan uu dhoolatus dhinaca milateriga uu la sameeyay dalka colaada kala dhaxeyso ee Koofur Kuuriya.

Xukuumada Piyongyang ayaa heegan buuxa gelisay ciidamada, si ay u qaadaan weerar, waxaana jira digniino laga bixinayo hadii Waqooyiga Kuuriya adeegsato hubkeeda Nukliyeerka.

Taliyaha ciidamada Pyongyang ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inay tallaabo aan naxariis lahayn kaga jawaabaan wax uu ku tilmaamay hanjabaada qar iska tuurka ah ee Washington.

Xarunta gaashaandhiga ee Mareykanka Pentagon ayaa ku dhawaaqday in ay u direyso gantaalalo casri ah oo difaac jasiiradda Pacific ee Guam taasi oo ah ka hortag.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.