Kenya oo guuto ka mid ah ciidamadeeda kala baxeysa Koofurta Soomaaliya

41

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in guuto ka mid ah ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, iyadoo qeybtii u horeysay ciidamo ka socda dalka Seirra Leone ay soo gaareen Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in sida horay balanta u aheyd ay ciidamadooda qeyb ka mid ah la bixi doonaan, kuwaasoo ku sugan Koofurta Soomaaliya.

Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa sanadkii 2011 soo galay gudaha Soomaaliya, si ay kula dagaalamaan Xoogaga Shabab, iyadoo sanadkii hore lagu daray inay ka mid noqdaan howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ilaa 850 askari oo ka socda Seirra Leone ayaa lagu bedeli doonaa guutada ay Kenya kala baxeyso Koofurta Soomaaliya, waxaana shalay Muqdisho soo gaaray qeyb ka mid ah Ciidamada ka socda Seirra Leone.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ilaa afar kun askari, kuwaasoo ka qeyb qaadanayay howl galkii Al-Shabaab looga saaray qeybo ka mid ah Gobolada Koofureed, waxaana Ciidamada Kenyanka ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyo deegaanada u dhow xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.