Hadii Prof. Jawaari guulaysto, wax ma ka badali karaa tartanka Madaxweynanimo ?

49

Muqdisho(INO)- Waxaan jeclaystay inaan tacliiq yar ka bixiyo natiijada gudoomiyaha baarlamaanku suurtagalnimada saamaynta ay ku yeelan karto tartanka madaxweynanimada Soomaaliya, anagoo soo qaadanayna tijabooyin soo dhacay, isida uu shakhsiyan wax ka badali karo hanaanka doorashada madaxweynanimda iyo in hadiiba ay jirto cid isaga wadata oo dhaqaale ku bixinaysa, ma u sahli karaa hanashada kurisiga dalka ugu sareeya?

Waxaa maalmahaan fooda nagu soo haya dhici doonta doorashada gudoomoyaha Baarlamanka Soomaaliya oo in mudo ah la sugayey, waxaana jiray shaki badan oo ku xeeran cida u tartamaysa kadib markii Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan uu go’aansaday in kursigaan loo qoondeeyey siyaasiiyinta Koonfur Galbaaed la gaaray waqtigii uu beel kale u caleema saari lahaa.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa xiligii doorashada xildhibaanada lagu guda jiray shuruud uga dhigay xildhibaanada tartamayey in aan laysu sharixin kursiga gudoomiyaha baarlamanka, taa badalkeedana lagu taageero isaga Musharaxnimadiisa Madaxweyne. Waxaana xusid mudan in dhamaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ay ku waafaqeen arinkaas, balse xaalku wuxuu is badalay markii la dhaariyey xildhibaanada oo uu Xil. Idiris Dhakhtar daqiiqado kadib uga dhawaaqay musharaxnimadiisa goobta ay xaflad dhartu ka socotay.Waxaa intaa dheer in ay jiraan kulamo ka kala dhacay Baydhabo iyo Muqdisho oo ay ka soo qayb galeen xildhibaanda iyo siyaasiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya intooda aan ku qanacsanayn fikirka Shariif ee ah in cid kale lagu taageero kursiga gudoonka baarlamaanka, waxayna siyaasiintaas soo hordhigeen madaxweyne Shariif Xasan inuu u cadeeyo sadex arimood si ay qayb uga noqdaan ololihiisa madaxweyne. Waxaana ka mid ahaa:

  • Inuu haysto dhaqaale ku filan, madaama ay u baahan tahay madaxweynanimo laysu sharaxo dhaqaalo faro badan
  • In ay jiraan wadamo siyaasada Soomaaliya xiiseeya oo gadaal ka riixaya ololihiisa doorasho.
  • Inuu soo bandhigo qorshe cad oo lagula dagaal gali karo, sida: isbahaysiyo dhanka qabiilada Soomaaliyeed Xildhibaanadooda iyo Maamul goboleedyada.

Gudoomiye Maxamed Sh. Osman Jawaari oo ka mid ahaa xildhibaanadii dib loo soo doortay ahaana gudoomiyaha baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday ayaa dheg jalaq u siin dalabka Madaxweyne Sharif Xasan, taa badalkeedana  isu sharaxay xilka Gudoomiyaha Baarlamanka.  Waxaa sidoo kale jira xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo shaaciyey in ay u taagan yihiin qabashada xilkaas, waxaa ka mid ah Xildhiban Xuseen Osmaan Xuseen iyo Xill. Maxamed Mursal oo laga yaabo inuu maanta gudbiyo araajidiisa musharaxnimo.

 Gudoomiye Jawaari ayaa dadka siyaasada galaangalka u leh saadalinayaan inuu ku guulaysnayo xilka gudoomiyaha baarlamaanka, waana musharaxa ugu cad cad ilaa iyo hada, taas oo ay sabab u tahay arrimahaan hoos ku xusan:

  • Waayo aragnimadiisa shaqo iyo sida wanaagsan oo u maareeyey maamulka baarlamaanka mudadii afarta sano ahayd, waxaa xusid mudan in maanta kulankii kowaad ee baarlamaanku yeesheen laga heli karo qoraalka doodihii dhacay Augst, 24, 2012 kaydka gudoonka baarlamaanka, taas oo aad uga duwan habka ay u shaqeeyan xafiisyada kale oo dowladda.
  • Xildhibaanada cusub oo aad ugu riyaaqay maamulka fiicn ee ay kala kulmeen xafiisyada gudoomiyaha Baarlamaanka, xiligii ay qaadanayeen shahaadoyinka aqoonsiga, ID card, Nuqulada Dastuurka, Habraac dhaarta iyo doorashada iyo sidii quruxda badnayd ee loo soo agaasimahay xafladii dhaarta.
  • Waxaa kale oo Jawaari can ku noqday odaynimo iyo isu jiid jiid xal raadin ah oo uu markasta isku dayi jiray marka ay soo ifbaxaan khilaaf siyaasadeed, in kasta oo mar marka qaar looga itaal roonaanayey jihaynta iyo xal ka gaarida qaabka uu urabo in khilaafka loo xaliyo.
  • Cid ka fursad badan oo aan jirin maanta marka loo eego musharixiinta ilaa iyo hada tartanka kula jirta
  • Shaqada hortaal Baarlamanka oo ay uga dagsan tahay qorshayaal cad cad dhamaystirkooda madaama uu yaqaan waxa soo qabsoomay iyo wax dhiman.
  • Dhex Dhexaadnimo marka loo fiiriyo la macaamilka xildhibaanada iyo talo dhagaysi marka wax la xalinayo,  iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo aan u arkin shakhsi xisbi ama urur gooni ah ka tirsan.

Dhamaan fursadahaan waxay ka turjumayaan inuu si fudud ugu guulaysto xilka gudoonka baarlamaanka, taasna macanaheedu maahan in lagu cabiri karo guusha tartanka madaxweynanimada 2017, waxaa arinkaas daliil u ah sidaan oo kale 2012-kii markii la soo sharaxay Cali Khaliif iyo Xidig waxaa Jawaari u ololeynayey Cabdiwali Gaas iyo Sheikh Shariif oo labaduba ku qanacsanaa in kursigaan dusha u saaran siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxayna ku bixiyeen kharash badan ololihiisa doorasho, waxaana si fudud uga guulaystay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud oo aan kaalin mug leh ka qaadan musharaxnimada Jawaari xiligaas. Sidoo kale shirkii Embakathi ee lagu soo dhisay dowladii Cabdullahi Yusuf AUN uu Madaxweynaha ka ahaa ayaa waxaa dhacday inuu dadaal u galay sidii Xil. Sheikh Aden Madoobe uu ka dhigo Gudoomiyaha Baarlamaanka, balse Shariif Xasan oo ay siyaasad ahaan isaga soo horjeedeen ayaa si fudud uga guulaystay, mana jirin saamayn ay ku yeelatay doorashii dhacday 04, Oct, 2004.

Haddaba akhristow waxaan maqaalkaan uga gol leeyahay inaan dadka u bidhaamiyo in gudoomiyaha baarlamaanka qofka noqonaya Madaxweynaha uusan jaangoyn karin, waxaa intaas dheer in dhamaan musharixiinta ugu cad cad xilka madaxweynanimada Soomaaliya iyo madaxda maamula goboleedyada ay kala dhaxayso Xil. Maxamed Sheikh Osman Jawaari xiriir saxibtinimo iyo wada shaqayn ku dheehan tahay.

Wabilaahi Towfiiq

Diraac Salaad Fagaase

La taliye sare oo ka tirsan Wasaarada Maaliyadda, horayna u ahaa Agaasimihii Warfaafinta Afartii Ra’iisul Wasaare ee ugu danabyasy

You might also like More from author

Comments are closed.