DEG DEG: Ciidamada Koonfur Galbeed Oo Weerar Qorsheysn Ku Diley 5 Ka Tirsan Shabaab

53

Sydheelow(INO)- Ciidamada  Koonfur Galbeed, ayaa saaka weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen degaanka Saydheelow oo ka tirsan Gobolka Bay, hoostaggana Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolkaasi.

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay Shan nin oo ka tirsan Al Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Xasan Xuseen Maxamed, ayaa sheegay raggaan ay dileen ciidamada Koonfur Galbeed inay dhibaato ku hayeen dadka degaanka Saydheelow, islamarkaana ay ku dhibi jireen ceelbiyood halkaasi ku yaala.

Waxa uu sheegay ciidamada inay halkaasi ku qaadeen howlgal qorsheysan Shan Shabaab ahna lagu dilay, iyadoo labo ka mid ah Raggii la dilay ciidamada u suuragashay  inay soo qaadaan hubkii ay wateen iyo meydkooda.

Saldhiga Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo bandhigay meydadka labadan nin ee Shabaabka ka tirsan, kuwaasi oo jirkooda ay ka muuqatay rasaastii ciidamada ay u adeegsadeen dilkooda.

Ugu dambeyntii, Deegaanka Saydheelow, ayaa qiyaastii 30-KM waxa uu u jiraa Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

You might also like More from author

Comments are closed.