Isbaaro dhigasho kusoo badatay inta u dhexeysa Walaweyn iyo Afgooye

51

Muqdisho(INO)-Shacabka ku dhaqan inta u dhexeysa Afgooye iyo Walaweyn ayaa aad uga cabanaya isbaarooyin ku soo batay halkaa.

Walaweyn ama Daafeed sida dadka qaarkii u yaqaanaan iyo Afgooye inta u dhexeysa ayaa lagu soo waramayaa in sidoo kale dadka safarada halkaa ku mara ay ku dhib qabaan. Isu socodka ayaa dhibaato ku timid isbaarooyinka tirada badan dartood.

Wadada laamiga ah ee u dhexeysa Daafeed iyo Afgooye ayaa hadaba darawalo badan oo ka dhex shaqeyn jiray ay iminka joojiyeen inay ku safraan wadadaa.

‘Ciidamada militariga ah ayaa ka masuul ah. Waa inta u dhexeysa Afgooye iyo Walaweyn. Waxaa u daran Warmaxun/Tixsiile. Waa kordhiyeen. Ciidamada dawlada ayaa masuul ka ah oo dhiganaya waana wax dadka oo dhan wada og yihiin’. Sidaa waxaa yiri qof deegaankaa dadka daggan ka tirsan.

Waxaa la sheegay in ilaa 9 isbaarooyin ay yaalaan inta u dhexeysa Walaweyn iyo Afgooye.

Dadka deegaanka ah yaa madaxda dawlada ugu baaqay in ay dhibaatadaa wax ka qabtaan.

You might also like More from author

Comments are closed.