Cutubyo ka tirsan AMISOM iyo dabaabaadkooda oo safar dhinaca dhulka ah ku galay Baydhabo

36

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ka tirsan AMISOM ay saacadihii u dambeeyay ku qul qulayeen, kuwaasoo safar dhinac dhulka ah ku gaaray.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo wata dabaabaadka dagaalka ayaa ka ambabaxay magaalada Buurhakaba oo bishii la soo dhaafay la wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Baydhabo ayaa sheegay in Ciidamada ay tan iyo xalay soo qul qulayeen, isla markaana saldhigyo ka sameysteen garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo duleedka magaalada.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada ayaa si tartiib tartiib ah saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada ugu wareejinayaan Ciidamada AMISOM.

Boqolaal Askari oo ka socday AMISOM ayaa horay ugu sugnaa Baydhabo, kuwaasoo sanadkii hore la geeyay magaalada, waxaana ciidamadan dheeraadka ee Baydhabo safar dhulka ah ku galay ay xoojinayaan ammaanka magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan gaaray Baydhabo ay ku sii jeedaan degmada Xudur ee Gobolka Bakool, oo todobaad ka hor ay la wareegeen Al-Shabaab, markii ay isaga baxeen Ciidamadii Itoobiya.

Ciidamada AMISOM ayaa dhowaan la filayaa inay si rasmi ula wareegaan Baydhabo iyo deegaanada kale ee Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin, waxaana Saraakiisha AMISOM horay uga dhawaajiyeen in ammaanka Bay iyo Bakool ay sugi doonaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.