Toogasho khasaaro geysatay oo ka dhacday Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay

21

Diinsoor (INO)—Ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, labo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday Garoon Kubadda lagu cayaaro oo ku yaalla Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Guddoomiyaha Dhalinyarada Isboortiga uu rasaas ku huwiyay dhalinyaro Kubad ku cayaareysay Garoonkaasi.

Guddoomiyaha ayaa falkan ku dhaqaaqay kadib markii dhalinyardan ay ku wargeliyeen in ay ka qaadeen Xilka Guddoomiyaha Dhalinyarada Isboortiga.

Dhaawaca labada Ruux ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid halis ah, inkastoo weli Isbitaalka lagula tacaalayo.

Guddoomiyaha ka dambeeyay falkan toogashada ayaa waxaa la soo warinayaa in uu la dhashay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Diinsoor oo ku aadan toogashadan ka dhacay Degmada iyo halka uu ku dambeeyay Ninkii falkaasi geystay.

You might also like More from author

Comments are closed.