Askar ka tirsan ciidamada Booliska Kenya oo goor dhow lagu toogtay Gaarisa

62

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay uu ka dhacay bartamaha Gaarisa, markii Kooxo Hubeysan ay toogasho ku dileen Askar ka tirsan ciidamada dharka cad ee Booliska Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka weerarkan ayaa ka mid ah wadooyinka aadka u mashquulka badan ee Gaarisa, halkaasoo ciidamadan dharka cad ay ku mashquulsanaayeen howlo baaritaan.

Labo askari ayaa la dilay, halka mid kalena uu dhaawacmay, kaasoo loola cararay Isbitaalka, waxaana weerarka kadib soo buuxiyay goobta ciidamo fara badan.

Mid ka mid ah dadka ku nool Gaarisa ayaa sheegay in weerarkan oo dhacay duhurkii ay geysteen kooxo hubeysan kuwaasoo goobta ka baxsaday.

Ciidamo fara badan ayaa soo buuxiyay goobta weerarka ka dhacay oo aad ugu dhow Suuqa magaalada Gaarisa ee Suuq Mugdi loo yaqaano.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay booliska Kenya, waxaana weerarkan ku soo aadaya, iyadoo dhowaan deegaankaas laga soo doortay xubnaha Soomaalida ee Gobolka Waqooyi Bari iyo Gaarisa.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.