Shirweynaha Qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka oo maalintii labaad galay

68

Shirweynaha ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka ayaa maalintii labaad galay, iyadoo furitaankii shalay uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii Febraayo iclaamiyay.

Shirweynahan oo soconaya muddo shan cisho ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aano ku aadan garsoorka iyo sidii dadka si cadaalad ah loogu kala xukmin lahaa, waxaana shalay shirweynaha uu ahaa mid khudbado ka jeediyeen dhinacyadii ka qeyb galay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la filayaa in shirka maanta uu ka qeyb galo, isla markaana uu sii xoojiyo dadaalka dowladda ee ku aadan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Hey’adaha garsoorka.

Shalay ayaa shirka waxaa uu ku bilowday dood cilmiyeed iyo khudbado ay ka jeediyeen dhinacyada ka qeyb galay, kuwaasoo aragtiyadooda ka dhiibanayay qaabka lagu saleynayo garsoorka dalka iyo taariikhda la soo maray.

Dhinacyada ka qeyb galaya shirka oo isugu jira, mas’uuliyiin ka kala socda maamulada, khubaro, xildhibaano, sharciyaqaano, culumaa’udiin, iyo xubno ka tirsan hey’adaha garsoorka dowladda, iyo haweenka.

Si kastaba ha ahaatee shirweynahan ayaa laga dhursugayaa inay ka soo baxaan talooyin dhaxal gal ah oo aas aas u noqda dhismaha garsoor cadaalad ah oo uu dalka yeesho, maadaama garsoorka uu qeyb ka ahaa hey’adihii bur buray.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.