Wasiirka Arrimaha Dibada Finland oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho

35

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Finland Erkki Tumoija ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo Wafdi heer Wasiiro ah oo ay horkaceysay Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ay ku soo dhoweysay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha dibada Finland oo ay wehliyeen Wasiiro iyo Safiirka Finland ee Soomaaliya ayaa waxay kulamo gooni gooni ah la yeesheen madaxda ugu sareysa dalka, sida Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Dalka Finland ayaa sheegayinuu aad ugu faraxsanayahay booqashadiisa Muqdisho uuna dareemayo isbadal weyn oo dhanka amaanka ah.

Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay booqashada wafdiga ay ku yimaadeen, iyadoo sheegtay inuu jiro is bedelo dhinaca ammaanka, taasna ay calaamad u tahay imaanshaha wafuuda ka socda caalamka.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Dalka Finland ayaa sheegayinuu aad ugu faraxsanayahay booqashadiisa Muqdisho uuna dareemayo isbadal weyn oo dhanka amaanka ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowaldiisu ku dadaali doonto sidii ay Soomaaliya ula yeelan lahayd wada shaqayn toos ah, dawlada Finland waxay hormuud ka tahay wadamada ku bahoobay midowga yurub oo taagero dhaqaale siiya Soomaaliya.

Wafuuda caalamiga ah ee ka imaanayay dalalka reer Yurub ayaa ahaa kuwo ku soo qul qulayay magaalada Muqdisho, iyadoo bil ka hor uu Madaxweynaha Muqdisho waraaqahooda aqoonsiga kaga gudoomiyay in ka badan 10-safiir oo reer Yurub ah.

Finland ayaa ka mid ah dalka ay ku nool yihiin Qaxootiga Soomaaliyed ee ka cararay Soomaaliya 20-kii sano ee u dambeeyay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.