Dhageyso: Odoyaal Dhaqmeedyo Prof. Jawaari Ku Taagyeerey Qorshe Halis Ku Ah Musharax Shariif Xasan

47

Muqdisho(INO)- Odayaal iyo Waxgaradka ka soo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle ee koonfur galbeed Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo dhaweeyeen in Jawaari mar kale musharax u noqdo Guddoomiyaha Gollaha shacabka.

Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa horay u ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya waqtigiisa idlaaday,wuxuuna hadda damacsan yahay in mar kale uu isa soo sharxo.

Odayaasha kulmay ayaa ku dhiira geliyay Jawaari inuu mar kale isa soo sharxo,islamarkaana uu u qalmo xilkan horayna wax badan u soo qabtay,sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu Dambeyntiim Prof.Jawaari ma uusan shaacin inuu yahay musharax mar kale u taagan Guddoonka Baarlamaanka,balse waxaa jira warar hoose oo sheegaya inuu mar kale musharax yahay.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Idale News Online, Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.