Ra’iisiul Wasaaraha oo Maamulka KMG ah u magacaabay Gobolka Gedo iyo Ciidamada Ahlusuna oo la qarameeyay

28

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Maamul KMG ah u magacaabay Gobolka Gedo, kadib markii booqasho hal maalin ah ku tagay magaalada Garbaaharey, iyadoo maanta uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Maamulka KMG oo aan dhameystirneyn ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Maxamed Cabdi Kaliil oo horay u ahaa Gudoomiyaha gobolkaas, tan iyo dowladdii Madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf.

Wareegtada ayaa la sheegay inay dhaqan galeyso marka uu saxiixo Madaxweynaha, isla markaana lagu soo dhameystirayo xubnaha Maamulka KMG oo shaqeynaya muddo lix bilood ah, kaasoo u gogol xaaraya maamul ay dadka deegaanka soo doortaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo tagay Garbahaarey ayaa sheegay in dowladda ay xooga saareyso maamulada dalka iyo sidii dadka deegaanka u heli lahaayeen maamul ay raali ka yihiin.

Dhinaca kale Ciidamada Ahlusuna ee ku sugnaa Gobolka Gedo ayaa la qarameeyay, kadib heshiis Ahlusuna iyo Xukuumada kala saxiixdeen, kaasoo dhigayay in wixii hada ka dambeeyay Ciidamada Ahlusuna ay ka mid noqdaan Ciidamada dowladda.

Heshiiskan dowladda la gashay Ahlusuna Gedo ayaa qeyb ka noqonaya heshiisyo ay dowladda horay ula gashay Ahlusuna, kaasoo ugu weynaa iskaashiga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.