Al-Shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay Shabellaha Hoose

47

Xarakada Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalo ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay in dagaalada oo ka dhacay maalmihii u dambeeyay Shalanbood, Bariire iyo duleedka Marka ay qasaare ku gaarsiiyeen.

“Cadawga waxaa dagaaladii u dambeeyay ku gaarsiinay qasaarooyin, maalmahan dambe waxay mujaahidiinta ku weerareen fariisimahooda, sida duleedka Marka, deegaanka Bariire iyo Shalanbood”ayuu yiri Abuu Cabdalla.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalka ay kaga dileen ilaa 8-askari oo labada dhinac isugu jira, isla markaana ay askar kale ka dhaawaceen sida uu yiri.

Abuu Cabdalla ayaa soo hadal qaaday dagaalki dhowaan ka dhacay Marka, kaasoo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana uu xusay in dagaalkaas ay filayeen.

“Waxaan fileynay ayay aheyd dagaalka maleeshiyo beeleedyada dhex maray, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Marka inay isaga soo haajiraan meeshaas oo ay yimaadaan dhulka nabada ee ay mujaahidiinta gacanta ku hayaan, awalba nabad iyo barwaaqo ayay ku noolaayeen”ayuu yiri Abuu Cabdalla.

Saraakiisha dowladda ayaan ka hadlin dagaalka, hase ahaatee waxaa uu ku soo beegmayaa, iyadoo la xaliyay khilaafkii maalmihii u dambeeyay ka taagnaa magaalada Marka, isla markaana Maamul KMG ah loo magacaabay magaalada.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.