C/naasir Seeraar “Dadkii naloo soo diray dad ku haboon oo mas’uuliyada loo igmaday ma aheyn, wada hadaladuna ma xirmin”

32

Afhayeenka Maamulka KMG ee Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa ka hadlay wada hadaladii la isku mari waayay ee u dhaxeeyay iyaga iyo dowladda Soomaaliya, isagoo ku adkeystay in aanay wada hadaladu xirmin oo ay sii soconayaan.

C/naasir Seeraar oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in wada hadaladii ay u socdeen dowladda ay inta badan isla meel dhigeen waxyaabihii ay ka hadlayeen, hase ahaatee aanay waxba ka soo naasa-cadaan markii ay tanaasul fara badan ay dhankooda sameeyeen.

“Waxaayabaha ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa qodobo xaga dastuurka, intii badneyd waa isla meel dhignay, anaga waxaa sameynay tanaasul fara badan oo aan xal ku sameyneynay, wada hadalada ma xirmin”ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Mr Seeraar ayaa sidoo kale sheegay in aanay dowladda wax tanaasul ah ka dareemin, isla markaana dadkii loo soo diray ee wada hadalada dowladda u soo wakiilatay aanay aheyn kuwo ku haboon mas’uuliyada loo igmaday sida uu yiri.

You might also like More from author

Comments are closed.