Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inay heli doonaan hubkii u horeeyay muddo labo bil gudahood

63

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay heli doonaan labada bilood ee ugu horeysa hubkii u horeeyay tan iyo markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saarneyd muddo 22-sano ah.

Wareysi uu siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay inay ogyihiin mas’uuliyada ka saaran ilaalinta hubka, isagoo cadeeyay in Caalamka ay ku eegeyso arrintaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay og yihiin dareenka beesha caalamka ka qabaan hub la siiyo dal ay dagaalo ka socdaan, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in dowladdiisa ay ku xoojineyso dagaalka ay kula jiraan Kooxda Islaamiyiinta Al-Shabaab.

“Waxaan qaadeynaa Mas’uuliyad buuxda oo ku saabsan, sidii aan hubkaas u ilaalin laheyn, caalamkana wuxuu nagu eegayaa ilaalinta hubkaas iyo inaan ka soo baxno mas’uuliyada nalaga rabay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in aanay wax wal wal ah ka qabin inay helaan hub, balse ay ka walaacsan yihiin sidii lagu maareyn lahaa hubka dowladda soo gaari doono labada bilood ee soo socota.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka iibsan doonto dalkii ay doonaan hub, isagoo tilmaamay inay raadin doonaan tallaabo walba oo ammaanka gudaha dalka lagu sugi karo sida uu yiri.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay u baahan yahay lacag dhan 450-milyan oo doolar, si lagu hormariyo ilaa 72-degmo oo ku yaala Soomaaliya, isla markaana dadka ay uga baxaan deeqaha bani’aadanimada ee ka yimaada dibada.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya, iyadoo horaantii bishan uu Golaha Ammaanka uu ka qaaday Soomaaliya cunaqabateyntii hubka ee la saaray sanadkii 1991-dii, xilligaas oo ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka ka talineysay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.