Daawo: Xaflad Lagu Xusayey Sanad Guuradii 2aad Ee Aas Aaska Arlaadi Aid Oo Lagu Qabtey Magaalada Portland Ee Dalka Mareykanka

77

Portland(INO)- Xaflad Ballaaran oo si heer sare loo soo Agaasimey laguna maamusayey sanad guuraddii labaad Ee Aaska aaska Ururka Gargaarka Arlaadi Aid ayaa waxay ay ka dhacdey Magaalada, Portland, Oregon Ee wadanka Mareykanka.

Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galey dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyadoona lagu soo bandhigey wax qabadkii Ururka labadii sano Ee lasoo dhaafey iyo qorshohooda Mustaqbalka.

Gudoomiyaha Ururka oo la hadley dadka kasoo qayb galey xaflada ayaa oga mahad celiyey taakuleynta joogtada ah ee ay mashruucyada ururka u hayaan.

Sidoo kale waxa xaflada ka hadley abwaan iidow ahna Gudoomiyaha Jaaliyada Reer Portland Ee Gobolka Oregon ayaa asagana ku booriyey bulshada inay maal, muruq iyo maanba ku bixiyaan sidii loo samata bixin lahaa ummada soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadankii hooyo.

Ugu dambeyntii, bulshada ayaa aad ula dhacdey riwaayad lagu soo bandhigey goobta kana turjumeysey sida Ururka oga qayb qaatey gargaarka dadka tabaaleysan. mardhow la soco muqaal ku saabsan sida ay xaflada u dhacdey.

Halkan Ka Daawo Sawiro

Sayid Ahmed Sharif Hassan, Idale News Online, MN

You might also like More from author

Comments are closed.