Dhageyso: Musharax C/qadir Cosoble oo afduubtay kalsoonida Xildhibaanadii Jubbaland laga soo doortay

26

Muqdisho(INO)- Munaasabad ka dhacday Hoteelka Naasahablood 1 ayaa musharax madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali waxa uu ka sheegay in ujeedka kulanka uu yahay sidii ay uga mahadcelin lahaayeen soo dhaweentii diiraneed ee lagu sameeyay Kismaayo isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa oo  uga mahadceliyay xildhibanada labada aqal qaabka ay uga aqbaleen marti qaadkiisa

Xubnaha labada aqal ee Jubbaland ayaa waxaa ka dhaxmuuqday xubno ay kamid ahaayeen Prof.Maxamed Cabdi Gaandi, J: Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiir dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdi Raxmaan Kulmiye Xirsi C/raxmaan Dheere,Wasiir Dowlaha Wasarada Arimaha Gudaha Cabdi Rashiid Maxamed Xidig Cabdi Rashiid Aadan Gabyow iyo madanayaal kale oo kawada tirsan labada aqal ee baarlamanka cusub ee soomaaliya.

Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa kahadlay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaan Shiiraar iyo Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis)

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codadka Murashax Madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali iyo Cabdi Raxmaan Kulmiye Xirsi

You might also like More from author

Comments are closed.