Dagaal Ay Ku Dhinteen 10 Qof Oo Ka Dhacay Gobolka J/Hoose

13

Marko(INO)- Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Galbeedka Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay Dad xoolo dhaqato ah iyo Ciidanka Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Dad xoolo dhaqato ah iyo Ciidanka Jubbaland ay weerar ku qaadeen Al-Shabaabkii Dadka xoolo dhaqatada dhowaan ay sheegeen in ay ka dhaceen 2,500 Neef oo Geel ah.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay ku dhowaad 10 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Wariye ku sugan Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya Dadkii xoolo dhaqatada ahaa in ay soo ceshteen qaar ka mid ah Geelii ay ka dhaceen Al-Shabaab oo ay mudo daba joogeen.

You might also like More from author

Comments are closed.