Dhageyso:Madasha Qaran Oo Baaq Ka Soo Saaray Abaaraha

35

Muqdisho(INO)- Madaxda Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamulka Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxa ay ka hadleen Abaaraha xoogan ee ka jira Gobolada Dalka.

Guddi ka kooban 9 xubnood oo isugu jira xubno ka socda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayay magacaabeen Madasha Qaran, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Madasha Wadtashiga Qaran oo soo saaray baaq caalami ah ayaa waxa ay ku baaqeen in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay Abaaraha saameeyeen, si loo fuliyo Mas’uuliyada hoggaanka siyaasadeed.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida Madasha Wadatashiga Qaran uga hadleen Abaaraha ka jira Dalka iyo Guddiga ay magacaabeen Hogaamiyeyaasha Qaranka.

Sida laga war qabo Soomaaliya waxaa ku habsatay Abaar aad u daran oo soo noq noqotay, taas oo khafaalatay dhimashada xoolo badan iyo cunto la’aan soo wajahday dad fara badan.

Abaarahan ku dhuftay Soomaaliya ayaa waxa ay ka jiraan Degaanada Maamullada Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

You might also like More from author

Comments are closed.