Dhageyso: Jubbaland oo Xoog Ku Soo Furaneysa Xoolihii ay Dhaceen Shabaab

10

Muqdisho(INO)- Taliyaha Nabad sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/laahi ayaa waxa uu sheegay in ay xoog ku soo furnayaan xoolihii Shabaab ay ka dhaceen Dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka Jubbada Hoose.

Wuxuu sheegay qaar ka mid ah xoolaha ay dhaceen Shabaab in ay soo furteen, balse weli Shabaab xoolaha intooda badan ay gacanta ku hayaan.

Khaalid Sheekh C/laahi Taliyaha Nabad sugidda Maamulka Jubbaland ayaa wacad ku maray Shabaab in aysan ka hari doonin ilaa xoolahaasi ay ka soo furanayaan.

Shabaab ayaa Saddex maalmood ka hor waxa ay Dad xoolo dhaqato ah oo ku nool Galbeedka Magaalada Kismaayo ka dhaceen 2,500 Neef oo Geel ah, waxaana halkaasi ku dhexmaray Dagaal geystay khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

You might also like More from author

Comments are closed.