Dhageyso: Musharax 2 Maalmood Suuxsanaa Oo Ku Farxay Go’aanka GXKH Ee Laalida Kursiga Beesha Macalin Weyne

69

Baydhabo(INO)- Iyadoona Gudiga Xalinta Khilaafaadka Ee Doorashooyinka ay diideen Natiijada Doorashada  5 mudane oo laga sooo doortey Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana uu mid yahay Xildhibaanada La diidey  Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed ee kursiga Beesha Macalinweyne ayaa waxa Go’aanka Gudiga Xalinta Khilaafaadka Soo dhaweeyey Mukhtaar Xasan Yarow oo ahaa Musharax Sida uu sheegey loo diidey inuu u tartamo Kursigaas.

Mukhtaar ayaa ku tilmaamey go’aanka GXKH mid cadaalada ah isla markaana uu ku faraxsan yahay in mar kale did looga noqodo doorashada Kursiga Beesha Macalin Weyne Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wuxu xusey in la jiir diley isla markaana waxa uu suuxsanaa 2 Maalmood.

Ugu  Hadalkan ayaa ku soo beegamaya Xilli Gudiga xalinta Khilaafaadka (GXKH) ay laaleen 5 Mudane oo laga soo doortey Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo ay sheegeen inay ku soo baxeen sifo sharci daro ah isla markaana Gudiga Doorashada Koonfur galbeed Ayaa dhankoodu qaadhacey Go’aanka GXKH. iyagoona u tilmaamey mid siyaasadeysan oo laga leeyahay Dano gaar ah.

Halkan Ka Dhageyso Codka Mukhtaar

Idale News Online, Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.