Dhageyso: Saraakiil Ka Tirsan Booliska KGS Oo La Barey Dhowrista Xuquuqda Aadanaha

38

Baydhabo(INOI)- Tababar kan Oo Socdey Mudo 4 Maalimood Ah Ayaa Waxaa Loo Qabtey sarkaal Oo Ka tirsan Ciidamada Booliska Gaarka ah  Ee KGS Waxaana Lagu Qabtey Taliska KGS Ee Magaalada Baydhabo.

Tababarkan Muda Uu Socdey Ayaa Sarakiisha Waxaa Lagu Baraaayey ilaalinta xaquuqal insaanka Waxaana Soo Qaban Qaabiyey Xafiiska Siyaasada  Soomaaliya Ee UNSOM Waxaad ilaalinta xaquuqal insaanka.

Tababarkan Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galey Wasiirka Hubka Dhigista Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen(Xasan Elay) Mr Vicram,  Maxamed Geedi Oo Ay Ka socdeen UN iyo Mas’uulin kale Oo ka socotey KGS.

Iyadoo Mas’uulin Badan Halkaasi Ka hadashey Ayaa Ugu Dambeentii Goobta Waxaa Ka Hadley Siminaarkana Soo Xirey Wasiirka Hubka Dhigista Dhaqan celinta  Iyo Tababarada Maleeshiyaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen(Xasan Elay) Waxaa Uu Ka hadley Muhiimada Uu U leeyahay Sarakiishan Iyo Is Bedelka Uu Ku Imaan Karo Isla Dhaqanka Ciidanka Iyo Shacabkooda.

Halkan Ka Dhageyso

You might also like More from author

Comments are closed.