Wasiirka Arrimaha gudaha oo qiray in habacsanaan dhinaca ammaanka uu ka jiro magaalada Muqdisho

41

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay la kulmay Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Saldhiga booliska ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee Caasimada.

Mr Guuleed oo markii kulanka soo dhamaaday la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ujeedka kulanka ahaa sidii ammaanka Caasimada loo dar dar gelin lahaa, isla markaana hey’adaha ammaanka iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka uu dhex maro wada shaqeyn.

“Ujeedka kulanka waxaa uu ahaa sidii ammaanka Caasimada loo dar dar gelin lahaa, maalmihii u dambeeyay waxaa jiray habacsanaan, sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay Gudiyada amniga heer degmo iyo heer gobol u wada shaqeyn lahaayeen, isla markaana degmo kasta ammaanka ka shaqeyso.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in shacabka degmooyinka ay qeyb ku yeeshaan ammaanka, isla markaana talo ku yeeshaan nabadgelyada, si looga hortago falalka amni daro.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ammaanka uu ahaa mid hoos u sii dhacayay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.