Taliska Booliska G/Banaadir oo sheegay in la soo qabtay dadkii ka dambeeyeen dilka haweeney

33

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dadkii ka dambeeyay Haweeney u shaqeyneysay Hey’ad Turkish ah oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ciidamada booliska ay u soo qabteen afar ruux oo mid ka mid ah lagu helay sawirka gabadha, isla markaana isagoo ordaya la soo qabtay.

“Ciidamada booliska waxay gacanta ku soo dhigeen kooxihii ka dambeeyay dilka haweeney la sheegay inay Hey’ad turkiga ka shaqeyneysay, afar qof ayaa u soo qabanay, midkood sawirka gabadha ayuu watay”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay socdaan baaritaano lagu haayo ragaas, isla markaana ay socdaan howl galo dheeraad ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo sida uu yiri.

Shalay ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Dharkeenley haweeney u shaqeyneysay Hey’ad Turki ah, iyadoo walaac ka muujiyeen dilkaas dadka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Muqdisho dilal qorsheysan oo ay geysanayeen kooxo hubeysan, iyadoo inta badan dilalkaas aan loo soo qaban dadkii ka dambeeyay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.