Xukuumada Washington oo wal wal ka muujisay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee gobolada Koofurta Soomaaliya

38

Dowladda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobolada koofured Soomaaliya, iyadoo ku tilmaamay tallaabo aan loo baahneyn xilligan.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka u qaabilsan Afrika Johnnie Carson ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen Ciidamada Itoobiya ay keeni karto in dib u soo xoogoobaan Al-Shabaab ayna dib u qabsadaan deegaanada ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya.

War saxaafadeedka ka soo baxay Kaaliyaha ayaa lagu booriyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay la wareegaan ammaanka goobaha ay baneeyeen Ciidamada Itoobiya.

“Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ka baxeen deegaanada koofurta waa mid aan la fileyn xilligan, ciidamada Soomaalida iyo AMISOM waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegaan goobahaas”ayuu yiri Mr Carson.

Mr Carson ayaa sheegay in Xukuumada Washington ay ka walaacsan tahay xaalada deegaanada ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya sida ay ku dambeyn doonto.

Ciidamada Itoobiya ayaa axadii la soo dhaafay ka baxay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoo muddo sanad kadib ay dib ugu soo laabteen Xoogaga Al-Shabaab.

Dadka odorasa siyaasada geeska Afrika ayaa sheegaya in hadii ay baxaan Ciidamada Itoobiya oo aan ka mid aheyn howl galka Midowga Afrika ee AMISOM, ay keeni karto marnaanshaha xaga ammaanka, isla markaana Kooxda islaamiyiinta mayalka adag ay u suura geli karto inay dib u qabsadaan deegaanada ay baneeyaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.