Tiradii ugu badneyd Soomaalida ku nool Koofur Afrika oo dib ugu laabanaya dalkooda

34

Tiradii ugu badneyd Muwaadiniin Soomaaliyed oo ku nooleyd dalka Koofur Afrika ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan dalka Soomaaliya, iyadoo qoysas u badnaa caruur, haween iyo dhalinyaro ay buux dhaafiyeen Garoonka diyaaradaha ee Or Tambo International Air Port.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Koofur Afrika ayaa u fududeysay dadkan inay dib ugu laabtaan dalkooda, waxaana lagu qiyaasay dadkii ugu dambeeyay ee maalmihii u dambeeyay ka amababaxay Koofur Afrika inay gaarayeen ilaa 200-ruux.

Dadka qaar ee ka amababaxay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo uga mahadceliyay safaarada Soomaaliya sida ay ugu fududeysay in dalkooda dib ugu laabtaan muddo kadib.

Soomaalida ku dhaqan Koofur Afrika ayaa dhibaatooyin xoog leh loogu geysanayay sanadihii u dambeeyay, iyadoo la kulmayay dhac, boob, jirdil, dil iyo dhaawac.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.