Iska hor’imaad ka Dhacay Mar Kale Magaalada Gaalkacyo

41

Gaalkacyo ( INO)-Wararka aan ka heleyno Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku soo warramaya in iska hor’imaad u dhexeeya Ciidamada Maamullada Puntland iyo Galmudug uu ka dhacay halkaas.

Iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii maalmihii dambe billaabeen Ciidamada Maamullada Puntland iyo Galmudug in ay Carro Tuuryo ka sameeyaan Magaalada Gaalkacyo.

Lama oga cidda bilowday is rasaaseynta dhexmartay labada dhinac oo dhawaan Heshiis la kala dhex dhigay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa beryihii dambe degeneed kadib heshiis ay goob joog ahaayeen dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.

You might also like More from author

Comments are closed.