Taliska Guutada koowaad ee Ciidamada xooga dalka oo ka warbixiyay Ammaanka Jowhar

50

Taliska guutada koowaad ee Ciidamada xooga dalka ayaa ka warbixiyay ammaanka magaalada Jowhar, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay booqanayeen wafdi ka socday Qaramada Midoobey.

Jen. Maxamed Maxamuud Saney ayaa sheegay in ammaanka Gobolka Shabellaha Dhexe uu yahay mid la adkeeyay, isla markaana ciidamada ay xaqiijiyeen amniga wadada isku xirta Muqdisho ilaa Jowhar.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada xooga dalka ay sugayaan ammaanka hey’adaha sama falka, si shacabka ku nool gobolka shabellaha dhexe loo soo gaarsiiyo gar gaarkii sama falka ahaa sida uu yiri.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay booqanayay magaalada Jowhar, waxaana maalin ka hor ay aheyd markii wafdi ka kooban 10-xubnood ay ka dejisay garoonka diyaaradaha Jowhar diyaarad Helicopter ah.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa howl galo ka sameeyay xaafadaha qaar ee Jowhar iyo tuulooyinka hoos taga, kaasoo ay uga hortagayeen kooxo la sheegay inay jidka u galaan gaadiidka.

Magaalada Jowhar ee xarunta Shabellaha Dhexe ayaa u jirta Muqdisho ilaa 90-KM, waana magaalo soo martay marxalado kala duwan, waxayna ku caan tahay wax soo saarka beeraha.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.