Dhageyso:Somaliland Oo Beenisay In Xoolaha Somaliland ay Qabaan Cuduro

23

Hargeysa(INO)- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Sacuudiga ay ku hakisay xoolihii laga soo dhaafin jiray dalka Soomaaliya kadib markii ay sheegtay in laga helay cuduro.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in xoolaha laga dhoofiyo degaanada maamulka Somaliland in aysan qabin wax cudur ah.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalka Sacuudiga uusan aheyn mid khuseeya Somaliland ,madaam xoolaha Somaliland aysan qabin cudurada ay sheegayso dowladda Sacuudiga.

Cabdulaahi Daahir Cukuse Wasiirka Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland ayaa sheegay in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Hay’addo kala duwan oo ka shaqeeya dhanka Caafimaadka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Sacuudiga ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqday guud ahaanba in ay hakisay Xoolihii uga imaan jiray dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

You might also like More from author

Comments are closed.