Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kormeerkiisa u horeeyay ku tagay Dekeda Muqdisho

44

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeerkiisa u horeeyay ku tagay Dekeda Muqdisho, tan iyo markii sanadkii hore loo doortay xilka Madaxweynaha.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa ahaa mid uu ugu kuur galayay howlaha shaqo ee ka socda Dekeda Caalamiga Muqdisho oo ka mid ah ilaha ugu weyn ee dhaqaalaha ka soo galo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxaa uu mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada Dekeda, isagoo warbixin ka dhageystay Maareeyaha Dekeda oo uga waramay sida ay u socdaan howl maalmeedka shaqo ee Dekeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mid mid u galay bakaarada Dekeda, waxaana uu soo indha indheeyay furdada oo ka socday howlaha dejinta iyo dhoofinta, waxaana halkaas soo dhoweyn kala kulmay xoogsatada Dekeda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.