Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo dib ula wareegay deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay

34

Xaalada deegaanka Awdiinle oo qiyaastii magaalada Baydhabo u jirta 30-KM ayaa saaka degan, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen shalay gelinkii dambe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ka dhaqaaqay Baydhabo ayaa u suura gashay in deegaankaas ay dagaal la’aan kula wareegaan, iyadoo Xoogagii Al-Shabaab ee ku sugnaa isaga baxeen.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in howl galada ka socda Bay looga sifeynayo Al-Shabaab, isla markaana xaalada deegaanka Awdiinle uu yahay mid degan oo ammaankiisa ay xaqiijinayaan.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, kaasoo ay ku doonayaan inay dib kula wareegaan deegaanadii sanad ka hor laga qabsaday, waxaana maalin ka hor ay gacanta ku dhigeen degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socday xalay ilaa shalay kulamo saraakiisha ciidamada Itoobiya, kuwa dowladda iyo Xildhibaanada ku sugan uga arinsanayeen sidii deegaanada ay ka baxeen dib loogu noqon lahaa.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.