Augustine Mahiga oo booqday Diblomaasiyiinta Soomaalida ee tababarka uga socda Koofur Afrika

62

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Philip Mahiga ayaa maanta ku booqday diblomaasiyiinta Soomaliya ee tababarka uga socdo Wasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee dowlada South Africa, xili ay ku guda jireen tijaabada habka looga khudbeeyo shirarka UN-ka , kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga .

Ambassador Mahiga oo dhageystay khudbadaha qaar ka mid ah diblomaasiyiinta ay jeedinayeen ayaa aad ula dhacay habka ay u kala matalayeen dowlado ku muransanaa dabar goynta dhirta , waxaana mid waliba uu daafacayay mowqifka dowladiisa, waxaana uu yiri “Waxaa farxad ii ah in aan arko jiil cusub oo diblomaasiyiin Soomaali ah oo matali kara, una howlgali kara danaha wadankooda, waxay tani qayb ka tahay mira-dhalka lixda tiir ee saldhigga u ah qorshaha siyaasadda dowladda cusub oo caalamka ku yeelatay saaxiibo fara badan”.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu uga mahadceliyey dowladda South Africa fursadda tababarka heerkiisu sareeyo ee ay siisay diblomasiyiinta Soomaaliya, waxa uuna qiray in beesha caalamka ay dhiiri galinayso rajada cusub iyo isbadelka hogaanka fiican leh ee ka soo bidhaamay Soomaaliya.

Dhinaca Kale Andre Groenewald oo ah Agaasime ku xigeenka Dugsiga Caalamiga ee Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Xiriirka Caalamiga iyo iskaashiga ee South Africa , ayaa isna ammaanay aqoonta iyo anshaxa ka muuqda diblomaasiyiinta Soomaalida ee ay tababarayaan , isagoo ka codsaday Ambassador Mahiga inuu u gudbiyo Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya fariinta Akadeemiyadda oo ku saabsan guusha iyo rajada uga muuqata diblomaasiyiintani oo uu ku sheegay kuwa lagu aamini karo mas’uuliyad , waxa uuna yiri “ waa diblomaasiyiin aad u dadaalaya , xirfad weyna kasbaday , marka madaxda sare gaarsii in ay ku xisaabtami karaan dadka koorsadan jooga, wadankoodana wax badan ka faa’iidi karo”.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.