Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray R/wasaaraha cusub ee dalka China

48

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Ra’isulwasaaraha cusub ee ku guuleystay doorashada Dalka China Li Keqiang, ayadoo Madaxweynahana uu rajo ka muujiyey xiriirka Soomaaliya iyo China.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo ku qornaa Afka Ingiriiska ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay inuu si aad ah ugu hambeelyeeynayo R/wasaaraha cusub ee dalka China Li Keqiang,

‘’Dowlada Soomaaliya iyo shacabkeedaba waxeey kuusoo dirayaan hambalyo Soomaaliya iyo China waa saaxiibo marka dib loo raaco xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyay labada dal, wxeynu diyaar u nahay ineynu sii ambaqaadno wadashaqeynta aynu la yeelaneyno hoggaanka cusub ee dalka China’’ Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wanaajinta xiriirka cusub ee Soomaaliya ay la yeelaneyso caalamka ay tahay mid ka mid ah Lixda Tiir ee dhismaha u ah dowlada Soomaaliya.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.