DEG DEG:Maleeshiyaad Hubeysan oo Is hortaag ku sameeyay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Cadaado

60

Cadaado ( INO)-Maleeshiyaad Hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay is hortaag ku sameeyeen Doorasho ka dhici lahayd Magaalada Cadaado  sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ergadii ka qeyb gali lahayd doorashadaasi la hakiyay.

Injineer Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo la hadlay Warbaahinta  isagoo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa waxa uu sheegay in 3 Kursi oo maanta lagu dooran lahaa Cadaado ay hakiyeen Maleeshiyaad ka soo jeeda Beelaha leh Kuraasta maanta la qorsheeyay in loo qabto doorashada.

Sidoo kale Injeer Cabdiraxmaan  Maxamed ayaa intaas ku daray  in arrintaan ay salka ku heysay Cadaalad darro iyo Musuqmaasuq ay wadaan Madaxda Galmudug iyo Guddiga Doorashooyinka Galmudug.

Dhinaca kale Injineer Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa waxa uu tilmaamay in Musuqmaasuq lagu hayo Ergada Beesha uu ka soo jeedo oo uu sheegay in Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug uu ku bedelay Ergadii Rasmiga ahayd kuwa been abuur ah .

Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Galmudug ayaa qiray in Ergo Damu Jadiid ah loo qoray Beesha Sheekhaal kuwaas oo damacsan in ay boobaan Kursiga beeshaas ay ku leedahay Galmudug.

You might also like More from author

Comments are closed.