Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay ilinka hore ee Ex-fiyoore

55

Qarax naftii halignimo ah ayaa goordhow ka dhacay iridka xarunta Ex fiyoore ee magaalada Muqdisho.

Inta la rumeysan yahay lix ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay tiro kalane waa ay ku dhaawacmeen, waxan qaraxan uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo la dhigay meel u dhow alaabka xarunta Ex foyoore ee dagmada X/weyne.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kuwaas oo gabi ahaanba xiray wadooyinka laga soo galay wadadaas, wariyeyaasheena ku sugan goobta ayaa sheegay in goobta uu ku gubtay gaari Bi’el ah kaas oo marayay wadada xiligii uu qaraxa dhacayay.

Sidoo kale gaadiida dab damiska ee gobolka ayaa ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo ku howlan damin gawaaridii ku gubatay goobta.

faah faahin iyo sawirro goordhow ayaan idiin soo gudbin doona insha ALLAH

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.