Afhayeenka baarlamanka oo kulan la qaatay gudiyada joogtada ah ee baarlamanka

34

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulan la qaatay gudiyada Joogta ah ee Baarlamanka Soomaaliya kaas oo uu kala arinsanayay halka ay marayaan howlaha ay hayaan.

Kulanka uu la qaatay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya prof Jawaari 15 xubnood ee gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka ayaa waxaa looga hadlay sidii ay gudiyada u bilaabi lahaayeen la xisaabtanka hay’adaha dowladda si ay u dar dargasho howshii loo igmaday.

Afhayeenka Baarlamanka Jawaari oo kulanka kadib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kala fadhiga labaad ee baarlamka uu yahay sidii il gaar ah loogu eegi lahaa hay’adaha dowladda inta badan howlaha baarlamankane ay qaban donaan gudiyada joogtada ah.

Sidoo kale guddoonka baarlamanka ayaa tilmaamay in xildhibaanadii tagay gobollada dalka ay ka keneen warbixino dhab ah taasna ka turjumeyso xaaladaha ka jira dhowaan la hor geynayo mudaneyaasha baarlamanka.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.